DF oo sameynaysa isbedel diblomaasiyadeed ballaaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qorsheynaysa inay isbedel ballaaran ku sameyso u qeybsamayaasha safaarad kasta oo Soomaaliya ku leedahay wadamada caalamka, sida ay noo sheegen saraakiil ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Xogta ayaa sidoo kale sheegaysa in liiska shaqsiyaadka la magacaabi doono ay ka imanayaan dhinaca xafiiska madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sida qorshaha uu yahay xubnaha la magacaabayo ayaa si deg deg ah kula wareegi doona shaqooyinkooda, halka kuwii hore la kala diri doono, kadib markii ay dhawaan Wasaaradda arrimaha dibedda ka dalbatay safaaradaha iyo qunsuliyadaha inay laba maalmood kusoo gudbiyaan warbixin dhammeystiran oo la xiriirta shaqada u qeybsamayaasha safaarad kasta.

Farmaajo ayaa doonaya in dhamaan diblumaasiyiinta ka shaqeeya Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya uu ka dhigo shaqaalaha xafiiskiisa iyo kuwa ugu dhaw ee baraha bulshada ka taageera.

Waa dhaqan ku cusub wasaaradda arrimaha dibedda in madaxweyne muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu gebi ahaanba la wareego shaqaalaha safaaradaha iyo qunsuliyadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa si toos ah shaqadii Wasaaradda u hoos geeyay madaxtooyada Soomaaliya, sida ay sheegen xubno ka tirsan Wasaaradda.

Cabdisaciid Muuse Cali oo ah Wasiirka cusub ee arrimaha dibedda ayaa ah shaqsi u dhow Farmaajo, ka hor inta aan xilkan loo magacaabina wuxuu ahaa Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kale waxa uu soo noqday La-taliyihii Amniga Qaranka ee ugu waqtiga dheeraa ee Madaxweyne Farmaajo intii u dhaxeysay 2017-kii ilaa Septembar 2021.

Si kastaba, isbedelka la qorsheynayo in lagu sameeyo u qeybsamayaasha safaarad kasta oo Soomaaliya ku leedahay wadamada caalamka ayaa noqonaya midkii ugu ballaarna.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii