Qoyska Ikraan Tahliil oo war cusub soo saaray, eedeyn culusna u jeediyay Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoyska Ikraan Tahliil oo ah Sarkaalad ka tirsaneyd hay’adda NISA oo la weysan yahay tan iyo 26-kii June, lana tuhunsan yahay inay ku maqan tahay gacanta NISA, ayaa markale si adag uga horyimid baaristii hordhaca aheyd ee Xeer Ilaalinta kasoo saartay kiiska gabadhooda.

Qoyska Ikraan ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku eedeyay in uu ka been sheegay ballan-qaadkii uu kal hore ka sameeyay baarista kiiska Ikraan, sidii ay cadaalad u heli laheyd, islamarkaana uu kiiska u gacan galiyay tuhmanayaashii NISA ee loo haystay, sida ay sheegen.

“Qoyska muwaadin Ikraan Tahliil Faarax, waxaan halkaan uga jawaabaynaa war xaqiiqada ka fog oo kasoo baxay Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida (CQS) 21-kii November 2021-ka, cinwaan looga dhigay; baaris hordhac ah oo ku saabsanaa kiiska Ikraan Tahliil Faarax” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay qoyska Ikraan.

Waxay sheegen in warbixin baariseedka uu Xeer-ilaaliyaha ka sheegay warbaahinta dowladda ay khilaafsan tahay habraaca loo maro baarista fal danbiyeed-yada.

“Xeer ilaalinta waxay si cad ugu sheegeen qoyska iyo qareenkooda-ba inaysan u suurtoobin baarista kiiska sababo la xiriir in saraakiisha NISA ee eedeysanayaash ah ay is hortaag ku sameeyeen baaritaanka kiiska, iyaga oo caddeeyay in xaaladda taagani aysan saamaxeyn in baaritsta la sii wado.”

Qoyska ayaa si adag u sheegay in Xeer ilaaliye uu dembi cidna ka baabi’in karin, islamarkaana uu awood u laheyn in uu xiro kiis ka furan maxkamadaha sharciga.

Waxay intaas kusii dareen in Xeer ilaaliyaha shaaciyey baarista hordhaca ah uu cago-jugleeyay Yaasiin Farey, kadibna uu muuqaalka laga sii daayey warbaahinta dowladda ka duubay, si looga dhaqo eedeynta culus ee kiiska Ikraan, uuna ku helo kursiga xildhibaanimo ee loo boobay.

“Tiirarka dowladnimada waxaa ugu muhiimsan cadaaladda. Haddii cadaalada ay waayan dadweynaha waxay ku qasbanaan doonaan inay gacmahooda ku raadsadaan cadaaladda ay ku qanacsan yihiin. Xaq dadkii lahaa daba joogaan marnaba ma lumo.”

Ugu dambeyntiina waxay sheegen in maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay u cadeysay in dacwadda Ikraan Tahliil aan weli la qaadin, uuna weli kiiskaas ka furan yahay maxkamadda, xilli uu Xeer ilaaliye Buule Kamey uu kal hore shaaciyey in eedeysanayaasha NISA lagu waayey eedeyntii la xiriirtay maqnaashaha Ikraan Tahliil.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii