27.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Sawirro: Guddiga DF ee dagaalka oo kulan deg deg ah isugu yimid – Maxay ka hadleen?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ahna Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee taageerada Dagaalka Khawaariijta, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen Guddi Hoosaadka abaabulka dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Shabaab iyo Daacish.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha taakuleynta ciidamada geesiyaasha ah ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

Sidoo kale, waxaa laga tashaday sidii la isugu garab wedi lahaa xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta iyo garab istaagga joogtada ah ee la siinayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Shirka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey qorsheyaasha lagu xoojinayo wada-shaqeynta hey’adaha amniga iyo maamulka heerarka kala duwan ee dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa u soo jeesatay xaqiijinta guulo cusub oo laga gaaro dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada, kadib guul darrooyin is xigxigay oo soo gaaray ciidamada dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay.

Guddigaan Wasiirrada ah ayaa la magacaabay markii uu soo kululaaday dagaalka Al-Shabaab, kulankaan ka hor waxay yeesheen kulamo kale, doorkooduna waa taakuleynta ciidamada ku jira dagaalka Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab oo dalka ka wada weerarro rogaal celis ah ayaa cadaadis badan ku heysa dowladda, taasi oo khasab ka dhigeysa in la qaado talaabooyin wax ku ool ah ee deg deg ah, si wax looga bedelo qaladaadka sababay in kooxdu guuleysato.

- Advertisement -

Read more

Local News