28.4 C
Mogadishu
Monday, January 19, 2026

Sawirro: Guddoomiyaha HOBYO oo lagu soo dhoweeyey Nairobi

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jaaliyada ka soo jeeda Maamul Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya kuna nool wadanka Kenya ayaa xaflad soo dhaweyn ah u qabtay Gudoomiyaha Dagmada Hobyo ahana Duqa Magaalada C/laahi axmed Cali (faat)

Kulankan oo ka dhacay Hotel Shabeela ee magaalada Nairobi ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha Bulshada ee ku nool magaalada Nairobi ee wadanka kenya,iyadoona uu ugu Horeyn Kulanka furay Nabadoon Maxmed Axmed Jimcaale (Dhagacade) oo ku hadlay gudiga Soo qaban Qaabiyey Kulanan.

Gudoomiye C/laahi Faat oo qudbad dheer halkaas ka jeediyay ayaa si weyn uga warbixiyey Xaalada Dagmada Hobyo,waxuuna sheegay in Dagmada Hobyo ay hada ka mid tahay meelaha ugu nabdoon Soomaaliya Maamulkiisana uu arinkaas ka shaqeeyey,isagoo xusay in Maamulka Dagmada Hobyo ay u wada dhanyihiin dhamaan Beelaha wada Dega Galmudug.

Waxuu sheegay Gudoomiye Faat in Dekada Hobyo 2 sano wax ka yar gudeheed lagu bilaabayo dhismaheeda, bilaha Soo socdana dakadii hore oo la sii casriyeey shaqadeeda la bilaabi doono,isagoo Ganacsatada reer GalMudug u diray fariin muhiima oo uu ku sheegay inay maanta fursad haystaan maalgashi ah laakin beri aysan Hilidoonin.

“ waxaan idiin sheegayaa dhamaan Ganacsatada Reer Galmudug in maanta aad haystaan Fursad maalgashi Hadhow markii uu dhulka iyo sheerarku idinku qaaliyoobo ayaad qeylindoontan,hadaba waan idin soo gaarsiiyey fariinta hada Ka faa’iidaysta” ayuu yiri Duqa Magaalada Hubyo.

Waxuu sheegay in Cid kasta oo Soomaali ah ay Hobyo Maalgashankarto oo daka ay ka dhaxayso,hadana fursada ay hasto ay tahay inay ku taal bartamaha wadanka iyo inay wax kala dagikaraan 90 milyan oo dariska ah.

C/laahi faat ayaa loo arkaa inuu yahay nin shaqadaan ka bixi karaa oo Hobyo dib u nooleyn kara,waana aqoonyahan ka yimid Wadanka Norway,isagoo meelo badan oo aduunka ah ka soo shaqeeyey,waana wariye hore oo mudo ku dhow 10 sano waxuu ahaa Tafatiriha Wargeyska Qaran Press ee ugu weyn Magaalada Mogadisho

Daawo Sawirada Kulanka

hobhob1hob2hob3hoby4hobyo5hoby6hobyo7hobyo8hoby9hobyo10

- Advertisement -

Read more

Local News