Sawirro: Guuleed oo wasiiro iyo xildhibaano kula kulmay Dhuusamareeb + Ujeedka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, ahna haatan ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha wada hadallada DFS iyo Somaliland ayaa kulamo ka bilaabay magaalada caasimad ah ee Dhuusamareeb.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa xalay shir gaar ah la yeeshay wasiirada iyo xildhibaanada Galmudug, isaga oo la sameeyay wada-tashi gaar ah, sida uu shaaciyay xafiiskiisa.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in kulankaas intiisa badan looga hadlay dib u bilaabiddda wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo hakad ku jira.

“Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Wadahadallada DFS iyo Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa  xalay kulan wadatashi ah la qaatay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Dowlad Goboleedka GALMUDUG, kulanka ayaan diirada lagu saaray dardar-galinta iyo dib u billaabidda Wadahadallada DFS iyo SOMALILAND” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ergeyga.

Mr. Guuleed oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale ka warbixiyay sooyaalka wada hadallada iyo muhiimadda ay ugu fadhiyaan Ummadda Soomaaliyeed.

Intaas  kadib waxa uu xubnaha uu la kulmay ka dhageystay firadahooda iyo doodaha ku xeeran arrintan, iyaga oo ergeyga la wadaagay tallooyin wax tar u leh wada hadallada.

Kulamadaan ayaa bud-dhig u ah in lahelo aragti mideysan oo loo dhanyahay, taas oo ku wajahan ka gun-gaarista wadahadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Ergey Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa horay ula kulmay madxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo ay ka wada hadleen arrimo ku aadan sidii loo sameyn lahaa wadatashiyo ku aadan sii amba qaadida wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Si kastaba, ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha wada-hadallada Somaliland ayaa horay u teyay maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, isaga oo kasoo sameeyay la tashiyo ku aadan howlaha horyaalla ee bilaabidda wada hadallada labada dhinac oo muddooyinkii dambe hakad ku jiray.