Sawirro: Halke ayuu marayaa dhismaha xarunta cusub ee xukuumada iyo xafiiska RW?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta soo kormeeray dhismaha xarunta Xukumadda iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo maraya heer gebo-gebo ah.

Dhismaha xarunta Xukumadda iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sannadihii ugu dambeeyay ka socotay xarunta Xisbiga ee ku dhegan garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium.

Rooble ayaa kormeer ku maray qeybaha kala duwan ee xarunta ka kooban tahay, wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha warbixino ka dhageystay Injineerada iyo shaqsiyaadka kale ee gacanta ku haya dhismaha xaruntan.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhagax dhigay, sidoo kalena bilaabay dhismaha xaruntan loo dhisayo xukuumadda oo hadda ku dhax shaqeysa xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Dhismaha xaruntaan ayaa waxa uu ka mid ahaa mashaariicdii ay maal-gelisay dowladda Qatar ee xukuumaddii hore ay ugu deeqday.