Sawirro: Ilhaan Cumar oo ka degtay Garoowe + Ujeedka

Garoowe(Caasimada Online) – Senator Ilhaan Cumar oo ka tisarn Golaha Congress-ka Mareykanka ayaa maanta gaartay Garoowe ee Puntland, halkaas lagu soo dhoweeyay.

Ilhan Cumar ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee General Maxamed Abshir uga hortagay guddoomiye ku xigeenka koowaad e Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdicasiis C.llaahi Cismaan oo ay wehliyaan mas;uulyiinta kale oo  ka tirsan isla maamulkaasi.

Sidoo kale waxaa waddooyinka waa weyn ee Garoowe isugu soo baxay dadweyne fara badan oo qayb ka ahaa soo dhoweynta loo sameeyay Senator Ilhaan Cumar.

Booqashadeeda oo gaar ah ayaa waxa ay maalmo kusii joogi doontaa Puntland, ayada oo la kulmi doonto madaxda sare ee Puntland iyo ehelladeeda oo ku sugan magaalada Garoowe.

Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka ayaa asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, gaar ahaanna deegaanada Puntland. 2018-kii ayey noqotay qofkii ugu horreeyay ee Somali American ah oo loo doorto Aqalka Congress-ka.

Booqashadan ayaa noqoneyso tii ugu horreysay ee Ilhaan Cumar ay ku timaado gudaha Soomaaliya tan iyo markii xilkaas loo doortay.

Toddobaadkii hore waxay ka qeyb-gashay soo dhoweyn madaxweyne Xasan Sheekh loogu sameeyey magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ah halka laga soo doorto.

Khudbad ay halkaas ka jeedisay oo ay si weyn ugu ammaantay madaxweynaha oo ay ugu yeertay “adeer” ayaa qabsatay baraha bulshada.