Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda iyo ilaaladiisa oo maanta QARAX lagu dilay

Jowhar (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax miino oo maanta lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidan ka tirsan kuwa dowladda, kaas oo ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxa ayaa qabsaday gaari ka mid ah kolonyo kusii jeeday degmada Mahadaay, kuwaas oo raashin gargaar u waday degmadaasi, kaas oo ay dirtay hay’adda SODMA.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen sarkaal lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Axmed Cabdulle oo ahaa laba Xidigle iyo 4 askari oo kamid ah ilaaladiisa.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 5 askari oo kale oo la socotay baabuurka, kadib markii ay miino la galoyay waddada la kacday.

Ciidamada la qarxiyay ayaa weerarka kadib sameeyay howlgallo kooban, waxayna horay usii wateen socdaalkooda, ayaga oo sii qaatay meydadka iyo dhaawacyada askarta.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha milatariga Soomaaliya iyo HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan kooxda Al-Shabaab weeraro iyo qaraxyo la beegsata ciidamada huwanta ee haatan dhaq-dhaqaaqyada ka wada gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.