Daawo: DF Soomaaliya oo shaaca ka qaaday inay la wareegtay Ruun-nirgood

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, General Cabdullaahi Cali Caanood oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe.

Caanood ayaa xaqiijiyay in ciidamada huwanta ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada Ruun-nirgood, kadib markii ay maanta gudaha u galeen degmadaasi.

“Degmada Ruun-nirgood cadowga waa ka yaaceen, ciidamada ayaa ku sugan oo howlgal ka wada qaraxyo ayaa laga raad raadinayaa, ciidana wuxuu kusii jiraa baacsiga cadowga,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda federaalka Soomalaiya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Ruun-nirgood iyo deegaanada hoos yimaada, sida Al-kowsar lagu dilay illaa 150 ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraan 5 ajaaniib ah, sidoo kalena nolosha lagu qabtay illaa 15 maxbuus ah.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga oo hadalkiisa sii wadda ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay ballaarineyso howlgallada haatan socda, isla-markaana maalmaha soo socda ay ka bilaaban doono dowlad goboleedyada kale, si loo weeraro Al-Shabaab.

“Mar dhow waxay ciidamada u gudbi doonaan dowlad goboleedyada kale oo ay howlgalladu ka bilaaban doonaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Si kastaba, Ruun-nirgood ayaa noqoneyso degmadii u dambeysay ee ay Al-Shabaab ka heysteen HirShabelle, waxayna ku hareen deegaano ku yaalla Hiiraan iyo Sh/Dhexe