Kadib guushii HirShabeelle Guuleed oo farriin u diray maamul goboleedyada kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay howlgalkii maanta lagula wareegay degmada Ruun-nirgood oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku boggaadiyay HirShabelle dadaalka ay gelisay xoreynta deegaanadeeda, ayada oo kaashaneysa ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka, kadib markii inta Al-Shabaab laga saaray gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in deegaanada harsan ee dhanka galbeedka ah loo jiheesto, si Al-Shabaab guud ahaan looga saaro gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

“Hambalyo reer Hirshabele oo ayagoo isku duuban kaashanayana ciidamada Xoogga Dalka ka xoreystay cadowga argagaxisada ah degmadii ugu danbeysay ee maamulkooda. Degmadaas oo ah degmada Ruun- Nirgood. Waxaana rajeynayaa in deegaanada galbeedka ee maamulka ee ay wali ku sii harsan yihiin haraadiga cadowga deg deg ay oga xoreysan doonaan” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Dhanka kale wuxuu farriin culus u diray maamul goboleedyada, isaga oo ugu baaqay inay ku deydaan HirShabelle, isla-markaana ay ka saaraan xoogaga Al-Shabaab

“Waxaan ku boorinayaa dowlad gobaleedyada kale in ay ku daysadaan maamulka Hirshabele iyo shacabkooda oo ay si deg deg ah iskaga kor qaadaana reeryada cadowga iyo gumeysigiisa” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo inta gobollada dalka ay haatan ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo horkaceyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashaneysa ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda.