Muxuu ahaa isku daygii uu ku fashilmay darawalkii Mursal intii uu joogay Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Darawalkii guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dhawaan u goostay Al-Shabaab, ayaa markii u horeysay shaaciyay inuu ku fashilmay in uu la goosto mid kamid ah gawaarida uu wadayay.

Waxa uu sheegay in ka hor inta uu kasoo tegin magaalada Muqdisho uu isku dayay in uu hore kasoo wato gaariga uu darawalka ka ahaa, hase yeeshe ugu suurta-geli weyday barnaamijka amni ee guriga guddoomiyihii hore.

“Darawal walba isaga ayaa haysta furaha gaariga laakiin si guud dad ayaa wakiil ka ah. Albaabka marka kasoo baxeysid askari ayaa kusoo raacaya oo kama bixi kareysid xeyndaabkaas. In aan soo qaato waa isku dayay laakiin fursad uma helin oo waa ii suurta-geli weyday,” ayuu yiri ninkaan darawalka u ahaa Mursal oo magaciisa lagu soo koobay Xuseen.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa nala cabsiin jiray oo cariiri meel walba ah ayaa na haystay. Adiga oo qof madax ah wada telefoon ma qaban kareysid ama ma dirsan kartid xataa haddii dan qoys ay kusoo gasho.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo soo kala dhex-galay asiga iyo guddoomiye Maxamed Mursal, islamarkaana uu si iskiis ah u go’aansaday in uu iska dhiibo deegaanada ay gacanta ku hayaan Shabaab.

Warar kale oo madax bannaan ayaa sheegaya in ninkan baxsaday ee u galay Al-Shabaab uu soo galay raadka weerarkii lagu qaaday hoteelka Villa Rays oo ku dhow xarunta madaxtooyada, ayada oo la qabtay dad u dhowaa isaga, sida ay ku warameen illo xilkas ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan arrintan la xiriirta darawalka guddoomiye Mursal, oo dhalisay hadal heyn iyo shaki xoogan.