Sawirro: ITOOBIYA oo war kasoo saartay heshiis cusub oo ay gaareen Soomaaliya

Niamey (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey inay sare u qaadaan iskaashigooda laba geesoodka ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Demeke Mekonnen ayaa la kulmay dhiggiisa Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb galay shir madaxeedka Midowga Afrika oo ka furmay magaalada Niamey ee dalka Niger.

Labada Ra’iisul Wasaare ku-xigeen oo kulan gaar ah yeeshay ayaa ku heshiiyey inay yeeshaan iskaashi qoto dheer oo labada dhinac ah iyo mid dhinacyo badan leh.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey in sida ugu dhaqsaha badan loo qabto guddi heer wasiir ah oo isku dhaf ah oo ka shaqeeya kor uqaadida iskaashiga labada dal.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in nabadda Itoobiya ay saameyn badan ku leedahay nabada Soomaaliya iyo meelo ka baxsan. Wuxuu kaloo Itoobiya ku ammaanay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayso la dagaallanka argagixisada.

Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo mugdi badan uu hareeyey kadib markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa madmadowga uu ka baxay kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu booqday Addis-Ababa dhammaadkii bishii September, halkaasi oo heshiisyo uu kula soo galay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. 

Heshiiska ayaa waxaa qodobka ugu weyn uu ahaa; in la kobciyo, lana xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo Labada shacab, kaas oo sal looga dhigayo qadarinta qarannimada iyo midnimada labada dal.