Sawirro iyo Warbixin: Shirka Abu Dhabi ee Imaaraadka Carabta, Ethiopia & Eritrea

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Magaalada Abu Dhabi waxaa ay marti-gelisay shir saddex-geesood ah,  kaas oo ay wada yeesheen dhaxal sugaha Abu Dhabi Maxamed Bin Zaa’yid, Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweyanaha Eritrea Isaias Afwerki.

Shirkaas, Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki waxaa la guddoonsiiyay abaalmarinta madaniga ah ee ugu sareysa dalka Imaaraadka, waxaa xafladda joogay wufuud badan oo ajaanib ah, oo ay ku jiraan safiirro.

Maxamed Bin Zaa’yid oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Imaaraadka ugu hambalyeyneyso labada dal ee Ethiopia iyo Eritrea heshiiska taariikhiga ah ee ay gaareen, isaga oo rajeeyay in tilaabadaas ay horseedi-doonto horumar dhaqaale iyo mid bulsho inay abuuri-doonto fursado maal-geshi.

Dalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa soo afjaray khilaaf labada dhinac u dhaxeeyay in ka badan 20 sano.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeysay, islamarkaana saameyn weyn ku lahayd heshiiska dhex-maray labada dal ee soo afjaray colaaddii labaatanka sano.

Ka hor heshiiskaas, ayaa sidoo kale Imaaraadka waxay 3 bilyan oo dollar siisay dowladda Ethiopia, oo ah saaxib dhow oo ay gobolka ku leedahay.

Sanadihii dhowaa saameynta Imaaraadka Carabta ee dalalka Geeska Afrika ayaa sii kordhayey, ayada oo aad ugu lug leh dalal badan oo Soomaaliya ay ka mid tahay lana wareegtay maamulka dekado badan.

Caasimada Online
Xafiiska Abu-Dhabi
Caasimada@live.com