Sawirro: Jawaano ay ka buuxan lacago shilin Soomaali ah oo lagu soo bandhigay Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Kontomeeyo Ganacsato Soomaaliyeed ayaa lasoo warinayaa in magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka Hiiraan kusoo bandhigeen lacago Shilin Soomaali aad u farabadan.

Ganacsatadan ayaa lacagaha kusoo bandhigay kulan ay la wadaagayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle oo ay ku jireen Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulka.

Goobta lagu soo bandhigay lacagaha Shilin Soomaaliga ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa Hogaamiyaha maamulka HirShabelle sida ay baahiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

Hogaamiyaha Maamulka HirShabelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo ka hadlay kulanka, ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay ka doonayaan magdhaw, maadaama lacagta faalsada ah ay ka timid deganada Puntland.

Hogaamiyaha ayaa intaa raaciyay in aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo Ganacsatadda Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Ganacsatada ayaa kulanka uga qeybgashay gudbinta cabashooyinkooda ku aadan shaqo la’aanta ku dhacday lacagaha Shilin Soomaaliga.

Lacagaha ay soo bandhigeen Ganacsatada ayaa dhawaan laga joojiyay in laga isticmaalo suuqyadda Magaalada Baledweyne.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com