Xog kusoo kordhaysa sababta ka danbeysay xayiraadda fannaanada Nasteexo Indho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muddo saacado ah Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu xayiray Fannaanada Nasteexo Indho oo ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed ee dhawaan show ku qabatay Magaalada muqdisho.

Nasteexo Indho ayaa xiliga lagu xanibay Garoonka kusii jeeday magaalada Abu Dabai ee xarunta dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Xanibaadda Nasteexo Indho ayaa soo degdegay kadib markii ay diiday in baaritaanada lagu sameeyo boorsooyinka ay ku safreysay oo ahaa kuwo aad u cuslaa.

Fannaanadu waxa ay diiday in lagu adkeeyo baaritaanka waxaana loo diray Saldhiga ciidamada Booliska ee ku dhexyaal Garoonka Aadan Cadde, halkaa oo lagu xiray saacado kooban ka hor inta aysan duulin diyaaradii ay ku qorneyd.

Fannaanada ayaa halis u gashay inay ka tagto diyaarada Jubba Airweys oo ay ku qorneyd in ay raacdo waxaana ku wehlinaayay safarka ninka lagu maacaabo DJ Subeyr oo ku caanbaxay howlaha muusikada.

Xoggo kaa ka duwan ayaa sheegaya in Fannaanada ay u gaftay Taliyaha Booliska Garoonka oo xiliga ku adkeystay in baaritaanka lagu adkeeyo Fannaanada maadaama ay si kas ah u diiday in labaaro.

Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgala Garoonka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Fannaanada ay waday alaabo ka mamnuuc ahaa in lala koro diyaarada taa oo sabab u aheyd inay isku dhacaan iyada iyo Taliyaha.

Sargaalkan ayaa intaa raaciyay in xariga Fannaanada uu sii xoojiyay qoraal ay kusoo qortay baraha Bulshada oo ay uga been sheegeyso howl ay ciidamada Booliska ka qabteen Muqdisho oo ay iyadu sheegtay in howshaasi iyada loo qabtay.

Waxyaabaha ay baaritaankooda diiday ayaa waxaa ku jiray Laptob iyo qalab kale oo ay u isticmaasho heesa kuwaa oo sharci ahaan la faray ciidamada inay si adag u baaran.

Fannaanada Nasteexo ayaa magaalada Muqdisho ku sugneyd muddo maalmo ah, waxa ayna bandhig faneed ku qabatay Garoonka Banaadir Stadium.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com