Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada Somalia Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed, ayaa ka hadlay qorshaha ay dowlada Somalia ku dooneyso baneynta dhulka dowlada Dhexe ee iminka deegaanka u ah dadka shacabka ah.
Wasiirka oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in loo baahan yahay dhulka ay dowladu leedahay ee iminka deegaanka u ah dadka Shacabka, waxa uuna tilmaamay in dhulkaasi ay yihiin kuwo u badan dhulalka ay leeyihiin ciidamada.
Waxa uu sheegay in dadka shacabka ah laga doonaayo inay isaga baxaan dhulalka dowlada isla markaana la doonaayo inay raadsadaan goobo kale maadaama ay muddo fog kusoo nacfiyeen dhulalkaas.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay hadda u baahan tahay meelo kooban oo keliya laakiin aysan u baahneyn dhammaan dhulalka oo idil.
Waxa uu intaa raaciyay in dhammaan dhulalka hadda la doonaayo lagu sameyn doono dayactir si ay ugu shaqeeyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Waxa uu arrin adag ku sheegay in shacabka dhan mar qura laga wada saaro dhulalka ay degan yihiin maadaama aysan dowladu awoodin in hal mar ay dhisto dhulalkaasi, sidaa daraadeeda ay qoysaska qaar fursad u heystaan inay kusii nagaadan.
Dowlada Somalia ayaa dhibaato badan kala kulmeysa qaababka ay shacabka uga saareyso dhulalka ay leedahay, waxaana xiliyada qaar ka dhasha iska hor imaad.
Haddalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaaya Xili Xaafado badan oo ka mid ah Muqdisho bilihii lasoo dhaafay laga saarayay dadka shacabka ah ee degan.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

