25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Sawirro: Jawaari oo la kulmay musharaxiin iyo beesha caalamka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa xafiiskiisa kulan Khaas ah kula qaatay qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxtinima doonka ah iyo Xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Kulanka oo qaatay ku dhawaad Saacad iyo Bar ayaa waxaa looga hadlay Doorashada Somalia, waxa uuna Guddoomiyaha labada dhinac u xaqiijiyay in qorshahooda uu yahay inaan laga dib dhicin xiliga Doorashada.

Musharaxiinta ayaa Guddoomiye Jawaari kadalbaday in doorashadda Madaxweynaha loo sameeyo habraac daahfuran, waxa ayna ka digeen in Doorashada lagu kaco Musuq-maasuq.

Musharaxiinta ayaa Jawaari u sheegay in walaac ay ka qabaan in Codadka lagu shubto, hayeeshee ay ka dalbanayaan inuu ka shaqeeyo waddo waliba oo looga gudbikaro Musuqa.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa iyaguna sheegay in Jawaari looga baahan yahay ka fogaanshiyaha Musuqa, waxa ayna xaqiijiyeen inaanu la aqbali doonin codad la musuqo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News