Sawirro: Jawaari oo Siyaasad cusub la dheelay Xildhibaanada & Kiiska Saldhiga Berbera oo loo weeciyay dhanka Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa iska jiheeyay qorshaha lagu hor istaagaayo Heshiiska lagu bixiyay Saldhiga Militery ee Imaaraadka Carabta ka dhisanaayo magaalada Berbera ee maamulka Somaliland.

Guddoomiye Jawaari ayaa kiiskaani iska jiheeyay kadib markii Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay ku eedeeyeen inuu is hortaag ku sameynaayo kiiska lagu baaraayo Heshiiska dhexmaray Imaaraadka iyo Somaliland.

Jawaari ayaa Xildhibaanada u sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan hortaagneyn wax ka qabashada kiiska sharci darada ah ee Saldhiga, waxa uuna Xildhibaanada u sheegay in arrintaasi wax laga weydiinaayo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia iyo Golaha Wasiirada Xukuumada.

Jawaari waxa uu Xildhibaanada u sheegay in Ra’isul wasaaraha iyo Golaha Wasiirada u diri doono Warqad uu kaga dalbanaayo inay ku hor imaadaan Golaha shacabka baarlamaanka Somalia si wax looga weydiiyo kiiska Saldhiga berbera.

Jawaari ayaa sheegay in arrinta Saldhiga aysan aheyn mid isaga ku xiran waxa uuna cadeeyay in Ra’isul wasaaraha iyo Golaha Wasiirada uu ka dalban doono inay sharaxaad ka bixiyaan Heshiiska iyo sababta looga meermeeraayo.

Guddoomiye Jawaari ayaa iska jiheeyay kiiska Saldhiga Berbera ee Somaliland, waxaana Xukuumadda Ra’isul Wasaare Kheyre laga sugayaa inay jawaab cad ka keento arrintan iyo mowqifkeeda ku aadan arrinta Saldhiga Milateri ee Imaaraadka Carabta ka dhisanayo Berbera.

Dhinaca kale, qeyla dhaanta Xildhibaanada ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii Safiirka Imaaraadka Carabta ee Somalia uu waayadaani dhexgal ku hayay Madaxda dalka si looga gudbo kiiska Saldhiga Berbera.