Sawirro: Jubbaland oo soo bandhigtay ciidamo loogu talo galay ridida madaafiicda

By Asad Cabdullahi Mataan

Kismaayo (Caasimada Online)-Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa tababar ciidan loogu soo xiray  magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Ciidamadan oo tirro ahaan gaaraya 150 askari ayaa waxaa tababarka siiyay Saraakiil ka tirsan ciidamada Militeriga iyo kuwa Ethiopia ee ku sugan magaalada Kismaayo.

Ciidamadan ayaa loo tababaray shiishka iyo isticmaalka hubka culus, waxa uuna socday tababarkaasi muddo dhan 15 cisho.

Ciidamadan ayaa ka tirsan xoogga dalka Somalia qeybtooda 43-aad ee jubbaland, waxaana la filayaa in la geeyo jiida dagaalka, maadaama ay barteen shiishka iyo isticmaalka hubka culus.

Abaanduulaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidankan loo tababar in ay meel dheer ka toogan karaan cadawga, isagoo sheegay in sidoo kale loo tababaray isticmaalka madaafiicda goobta iyo hubka culus.