R/W Kheyre: Cidda aan wada shaqeyn karno waa inay yeelataa halkan sifo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Xukuumadiisu ay tahay mid u nugul cid waliba oo dooneysa Qaran.

Kheyre waxa uu sheegay in qorshihiisa uu yahay in dalka laga dhaqan galiyo dowladnimo ka fog nin Jecleysi iyo akoon buuxsi, waxa uuna tilmaamay inay soo dhaweynayaan cid waliba oo u danqaneysa Qaranka mar hore la lumiyay.

Waxa uu tilmaamay inay doonayaan in xukunka ay wareejiyaan iyagoo qabtay wax muuqda, isla markaana ciribtiray sida Musuqa.

‘’Cid waliba oo ku mowqif ah ra’yiga dal dhiska waxaan iska shaabaheynaa dal jeceelka, waxaa naga go’an inaan sameyno shaqo ka fog qiyaanada Qaran’’

‘’Wey adkaan doontaa inaan la shaqeyno cida lagu helo dhibaateynta Qaranka ama doonaaya inuu ka hantiyo Qaranka’’

Sidoo kale, Kheyre ayaa sheegay in Xukuumadiisu ay si dhaba u dhabar jabin doonto qorsha cid waliba oo ku sifowdo musuq ama dhibaato Qaran, waxa uuna ku celcelshay in hadafkooda uu yahay Qaran daacad loo yahay.

Haddalka Kheyre ayaa u muuqanaaya mid si dadban loogu sifeynaayo waxa ay tahay Siyaasada dowlada Somalia ee la magacbaxday ‘’Nabad iyo Nolol’’.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com