Keating oo ka xog waramay dib furitaanka wadahadalka DF & maamulka Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online)-Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Micheal Keating ayaa sheegay in lasii ambaqaadayo wadahadalka dowlada Somalia kala dhexeeyay maamulka Somaliland.

Micheal Keating, waxa uu sheegay in dib usii wadida wadahadalka ay kala hadleen labada dhan, isla markaana ay diyaar u yihiin dowlada iyo maamulkuba.

Micheal waxa uu sheegay inay muhiim tahay in lasii wado wadahadalka, si buu yiri wax muuqda looga bedelo mowqifka Somaliland.

Micheal Keating oo ka hadlaayay Madasha Golaha xiriirka Dibadda ee CFR ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Hogaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ay diyaar u yihiin in dib loo billaabo wada hadallada dowladda Federaalka ah iyo Somaliland.

Keating, waxa uu farta ku goday in wadahadalka labada dhinaca uu noqonayo mid looga hadlaayo iskaashiga ammaanka,abaaraha,burburka degaanka ,Badaha,iyo maamulka Hawada.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah iyo Somaliland ay muhiim u tahay iska kaashiga argagixisada iyo burcad badeedda.

Saciid,waxa uu intaas ku daray in ay muhiim tahay in Somalia aqoonsato Somaliland,taas oo uu sheegay in ay dan ugu jirto labada dhinac.

Geesta kale, Shirkan lama sheegin goobta iyo goorta uu furmayo hayeeshee waxaa jira warar sheegaya in Somaliland diiday in gogosha wada hadallada ee taalla Istanbuul Turkiga ay halkaas sii ahaato.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com