Xildhibaanada Damul-Jadiid oo uu shir khaasa ugu soo xirmay dalka Tanzania 

Dar-es-Salaam (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan illo ku dhow dhow Koox Siyaasadeedka Damul-Jadiid, waxaa shir Khaasa oo ay isugu yimaaden Xildhibaano ka tirsan Damul-Jadiid uu kusoo xirmay magaalada Dar-es-Salaam ee dalka Tanzania.

Shirkan oo ay ka qeybqaaten Xildhibaano dhan ilaa Toban ayaa waxaa hogaaminaayay Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu saldhigtay dalka Tanzania.

Shirka oo ahaa mid khaas ah ayaa waxa ay Xildhibaanada ku kala qaaten macluumaad ku saabsan halka ay iminka taagan tahay Siyaasada Somalia iyo kaalinta kaga aadan kasoo dhexmuuqashada Dowlada loogu wanqalay Nabad iyo Nolol.

Xildhibaanada qeybta ka ahaa shirka ayaa u badnaa kuwa baarlamaanka Somalia oo uu ka dhexmuuqday Xildhibaanka gacanta midig u ah Xasan Sheekh ee Faarax C/qaadir iyo dhibaano kale oo dhowr ah.

Xildhibaanada qeybta ka ahaa shirka ayaa gabi ahaantooda xilal kasoo qabtay dowladii hore ee uu Hogaaminaayay Xasan Sheekh.

Mid kamid ah Xildhibaanada qeybta ka ahaa shirka ayaa inoo xaqiijiyay in is aragooda uu ahaa mid iyaga u gaar ah, isla markaana uusan shirkooda aheyn mid lid ku ah dowlada Somalia Somalia.

Xildhibaankan ayaa sheegay inay marti u ahaayen Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo carab dhabay inay kawada hadleen sida looga qeybqaadan lahaa keliya horumarinta Siyaasadooda Khaaska ah.

Qorshooyinka lagu dajiyey shirka aan lasii shaacin ayaa waxaakamid ahaa dib-u-soo nooleynta qorshooyinkooda Siyaasadeed,Kasbashada Xildhibaanada mucaaradka iyo kuwa Madaxabanaan iyo in xooga la saaro ku dhex milmida Xukuumada hadda jirta si looga dhexmuuqdo Siyaasada.

Sidoo kale, Xildhibaanadan ayaa lagu wadaa inay kamid noqdaan Wafdi uu Hogaaminaayo Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Swedan uga qeybgalaaya shirka Hey’adda Caalamiga ee Olof Palmes oo lagu casuumay garabka Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh iyo wafdi xildhibaano ah ayaa ka qeyb gali lahaa shir ka dhacaya Sweden oo ay ku casuuntay Hey’adda Caalamiga ee Olof Palmes oo ah urur aan dowli aheyn oo ku xiran Xisbiga Shaqaalaha Sweden.

Dhinaca kale, Xisbiga Damul-Jadiid oo saameyn ku dhexlahaa Siyaasada afartii sano ee tagtay ayaa iminka ololo ugu jira sida ay mar kale u hanan lahaayen dowlada la filaayo 2020 iyo wixii ka danbeeya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com