5 qodob oo xisbiyada mucaaradka DF ay ku waayeen kalsoonida shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya Xisbiyada Mucaaradka ee sida aadka ah uga soo horjeeda Siyaasada ay daadihineyso dowlada Federaalka ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Xisbiyada oo inta badan ay liijaanka u hayaan shaqsiyaad aan kusii xil dheeren Siyaasada xiligaan ka dhaqangali karta Somalia, ayaa taargeed ka dhigtay is hortaaga talaabo waliba oo ay qaado dowlada Somalia.

Xisbiyada oo dhaqaale aan sidaa loosii muujin ka qaata dalalka shisheeye sida Imaaraadka, Sacuudiga, Ethiopia, Kenya, Mareykanka iyo Britain, ayaa u muuqanaaya kuwo loo adeegsanaayo dhiciseynta dowlada la magacbaxday ‘’Nabad iyo Nolol’’.

Shaqsiyaadka ka dhexmuuqda Mucaaradka dowlada ayaa qudhooda dhabaha u xaaraya guuldarada ay Xisbiyadooda kala kulmi karaan saaxada Siyaasada, waxaana cad in taariikhda ay u gashay xumo iyo wanaag aan sidaa usii kala badneyn.

Xisbiyada Mucaaradka oo aan tirro ahaan qudhooda is aqoon ayaa waxaa hadana saaxada ka muuqda kuwa sida gaarka ay u wataan dowladaha aan ka raali aheyn in Somalia ka gudubto marxalada ah dhextaal.

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaan qudhooda aaminsaneyn Xisbiyada ka jira dalka markii laga soo tago caadifada qabiilka iyo mida kursi doonka oo inta badan ay dadka ku kasbadaan shaqsiyaadka Hoggaamiya Xisbiyada.

Waxaa dhagaha shacabka kusoo dhacaaya goortii ay maqlaan magaca ‘’Xisbi Siyaasadeed’’ waxyaabo ay kamid yihiin ‘’burbur, dhibaato joogta ah, nolol xumo iyo wixii lahal-maala oo suuragalinkara dhibaato ku habsata dal iyo dadkiisa’’.

Sidoo kale, Xisbiyadan ayaa kalsoonida shacabka ku waayay sababo dhowr ah, waxaana kasoo qaadan doonaa ilaa 5 Qodob oo kala ah:

1-Siyaasadooda oo ka bilaabata rabitaan kursi, kuna dhamaata ku goodinta qori caaradii.

2-Nin jecleysi, Tirro koob la’aan xubnaha iyo shaqsiyaadka Hogaamiyaha oo Siyaasadooda ay tahay mid ku xeeran keliya mustaqbal aan fogeyn.

3-Aaminsanaanta ‘’Haddii aan danteyda waayo ana taadi diiday’’.

4-Siyasada Xisbiyada mucaaradka oo aan ku jirin ‘’mashruucyo dal dhis’’ ah, sida lagu yaqaan Xisbiyada mucaaradka ee ka jira caalamka intiisa kale.

5-Hogaamiyayaasha Xisbiyada oo aan dhaafin 2 shaqsi iyo xuduuda Xoriyada oo aan u cayineen.

Dadka qaar ayaa aad u dhaliila habdhaqanka shaqsiyaadka Hoggaamiya Xisbiyada Mucaaradka, kuwaa oo maslaxada dalka iyo dadka ka hormariya danaha gaarka ah, waxa ayna taa daaqada ka saartay rajadii laga qabay.

Si kastaba ha ahaatee, Xisbiyada Mucaaradka ayaa waxaa la gudboon in ahmiyada ay siiyan kasbashada shacabka iyo inay ka qeybqaatan dhismaha ka socda dalka sida waddooyinka sida lagu yaqaan Xisbiyada mucaaradka ee ka jira dunida.

W/Q: Xuseen Cabdullaahi Axmed

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid