Dagaalka Tukaraq oo gaaray heerkii ugu adkaa & Deegaano hor leh oo la kala qabsaday

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya inuu xoogeystay xiisaddii dagaal ee  u dhaxeysay maamulada Somaliland iyo Puntland.

Xiisada oo xoogeeda ka taagneyd deegaanka Tukaraq iyo nawaaxigiisa, ayaa iminka gaartay deegaano hor leh oo ay kala gaaren ciidamada labada maamul.

Maamulka Somaliland ayaa ciidamo dheerad ah geeysay deegaano ku dhow Tukaraq, sidoo kalena dhufeyso ay sheegeen in deegaankaasi laga difaacayo ka sameysteen duleedka Tukaraq, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka.

Sidoo kale, Gaadiid dagaal oo ay la socdaan ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa iyaguna gaaray deegaano ka tirsan Sool, gaar ahaan deegaanka Holhol.

Ciidamada maamulkan ayaa halkaa ka sameystay dhufeysyo waxaana lasoo sheegayaa inay duulaan ku yihiin ciidamada kale ee taabacsan Somaliland.

Dadka deegaanka ayaa ka cabsanaaya in mar kale dagaalo ay ka dhacaan gobolkaasi, iyadoo aysan jirin xabad joojin rasmi ah.

Waxgaradka gobolka Sool ayaa ku guul darreystay iney Labada dhinac xabad joojin ku qanciyaan, sababtoo ah dhan walbo wuxuu sheeganayaa lahaanshiyaha deegaanka Tukaraq.

Geesta kale, Puntland iyo Somaliland ayaa wali ku hanjabaya xaalad dagaal taasoo qalqal galisay dadka Shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com