Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada oo laga sugaayo magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in gudaha asbuucaan ay magaalada Muqdisho soo gaaran Hogaamiyayaasha maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Hogaamiyayaasha ayaa magaalada Muqdisho uga qeybgali doona shir looga hadli doono arrimo dhowr ah oo ay la qaadan doonaan madaxda ugu sareysa dalka.

Hogaamiyayaasha ayaa ku guda jira diyaar garowga ay kusoo gaari lahaayen magaalada Muqdisho, waxaana socdaalkooda ku wehlin doona xubno ka kala tirsan labada Gole.

Shirka ka furmaaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa diirada lagu saarayaa waxyaabihii ka hirgalay  Shir horay u dhexmaray dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Sidoo kale, Hogaamiyayaasha ayaa magaalada Muqdisho ku nagaan doona muddo Seddex cisho ah, waxaana suuragal ah inay gaaran asbuuc.

Geesta kale, maamulada ayaa dhaliilsan in hanaanka ay dowlada Somalia u hageysa siyaasada ku aadan hirgalinta qodobada kasoo baxa shirarka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com