Akhriso:-Maxaa looga hadlayaa Shirka madaxda Qaranka ee dhawaan ka furmaya Muqdisho?

waxaa dhawaan magaalada Muqdisho ka furmidoono shirka  Madaxda Qaranka iyo Hogaamiyaasha maamul Gobaleedyada kaas oo dhici doona ka hor 8-da Bishaan.

Wararka ayaa sheegaya in wixii ka dambeeya maalinta biri ah ay muqdisho soo gaari doonaan Madaxda maamul gobaleedyada shirkana uu socon doono Labo maalmood, waxaana shir gudoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Ajandaha Shirka ayaa la sheegay in ay qayb ka ahaan doonaan qodobadaan, dhaqan gelinta dhismaha ciidamada qaran, wadaaga kheyraadka Dalka si waafaqsan Dastuurka, dib u eegista dastuurka KMG ah, hanaanka doorasho ee hal qof iyo hal cod ee la rejeynayo in dalka ka dhacdo sanadka 2020-ka, sida ay noo sheegeyn mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

Wadamada Arimaha Soomaaliya Daneeya iyo Beesha Caalamka ayaa dareensan in ay gaabis tahay howsha dastuurka iyo Doorashada 2020-ka, waxaana shirka warbixin la xiriirta hanaanka doorashada qof iyo cod uga dhici karto ka jeedin doona Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan ee Soomaaliya.

Qodobadii kasoo baxay shirkii Muqdisho ee Maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ayaan wax badan ka hirgelin, inkastoo ay degtay xiisadii ka dhex taagneyd maamullada iyo dowladda Federalka.

Bishii November ee sanadkii dhamaaday 2017 ayuu dhacay shirkii ugu dambeeyay ee madasha Qaranka, waxaana qodobadii ugu waynaa ee looga hadlay waxaa ka mid ah xalinta khilaafkii ka dhaxeeyay Madaxda Dowladda dhexe iyo kuwa maamul gobaleedyada.