29.8 C
Mogadishu
Thursday, April 23, 2026

Sawirro: Khasaaraha Israel oo kordhay xilli Iran ay si xun ugu garaaceyso gantaallo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) – Inkasta oo ay la kulantay duqeymo culus oo maalintii labaad xiriir ah uga imanaya Maraykanka iyo Israa’iil, isla markaana ay weli ka soo kabanayso saameynta dilka Hoggaamiyihii Sare Ayatollah Ali Khamenei, Iran ayaa sii wadday weerarro aargoosi ah oo isugu jira gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn, kuwaas oo lagu beegsanayo Israa’iil iyo saldhigyada Maraykanka ee gobolka.

Mid ka mid ah gantaallada Iran ayaa ku dhacay goob gabbaad ah oo ku taalla magaalada Beit Shemesh ee bartamaha Israa’iil, oo ah magaalo ay inta badan deggan yihiin bulshada Yuhuudda ee ultra-Orthodox. Ugu yaraan sagaal qof ayaa halkaas ku dhintay, taasoo tirada guud ee dhimashada Israa’iil tan iyo bilowgii colaadda gaarsiisay 12 qof.

“Xaafadaha ultra-Orthodox-ku waa kuwo aad u ciriiri badan. Markasta oo cufnaanta dadka ay badato, khatartuna way sii korortaa,” ayay Pnina Pfeuffer, oo ah qof u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada kana tirsan bulshada ultra-Orthodox ee Israa’iil, u sheegtay Middle East Eye.

Iran ayaa sidoo kale sii xoojisay weerarrada ay ku hayso dalalka deriska la ah ee Khaliijka, iyadoo ku andacoonaysa in dalalkaasi ay marti-gelinayaan ciidamada Maraykanka, inkasta oo weerarro qaarkood ay u muuqdeen kuwo ku dhacay goobo rayid ah.

Wararka ayaa sheegaya in la beegsaday Riyadh, Abu Dhabi, Dubai, Manama, Doha iyo Kuwait, iyo sidoo kale Cumaan, oo hore uga shaqeynaysay dhexdhexaadin lagu baajinayo dagaal buuxa oo u dhexeeya Tehran iyo Washington.

Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu soo warramay inay ku dhinteen Imaaraadka Carabta, halka hal qof lagu dilay Kuwait.

Dhanka kale, Washington ayaa sheegtay in saddex askari oo Maraykan ah la dilay, shan kalena dhaawacyo halis ah ay kasoo gaareen hawlgalka milatari ee loogu magac daray “Epic Fury”.

Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa markii ugu horreysay kasoo muuqday telefishinka dowladda tan iyo markii weerarradu billowdeen.

Waxaa loo magacaabay gole hoggaan ku-meel-gaar ah oo saddex xubnood ka kooban, oo ay sidoo kale ku jiraan madaxa garsoorka Gholam-Hossein Mohseni-Ejei iyo caalimka diinta Ayatollah Alireza Arafi.

Pezeshkian ayaa sheegay in Iran ay leedahay “waajib sharci ah iyo xaq buuxa” oo ay kaga aargudaneyso cidda fulisay iyo cidda qorsheysay dilka Khamenei, isagoo dhacdadaas ku tilmaamay “dambi taariikhi ah”.

Kadib, Donald Trump ayaa wareysi uu siiyay majaladda The Atlantic ku sheegay in hoggaanka cusub ee Iran uu doonayo inuu bilaabo wada-hadallo, isaga oo intaas ku daray inuu oggolaaday inuu la hadlo.

Hase yeeshee, warbaahinta Israa’iil ee Ynet ayaa soo werisay in Tehran ay diidday dalab xabbad-joojin ah.

Dagaalkan ayaa la filayaa inuu dhaawac iyo jahawareer weyn ku yeesho dhaqaalaha Bariga Dhexe, iyo weliba dhaqaalaha caalamka. Iran ayaa xirtay marin-biyoodka Hormuz, halkaas oo mara qiyaastii 20 boqolkiiba shidaalka dunida, taas oo sare u qaadi karta qiimaha saliidda marka suuqyadu furmaan subaxda Isniinta.

Hay’adda amniga badda ee Britain ee UKMTO ayaa sheegtay in laba markab lagu weeraray marin-biyoodkaas istaraatiijiga ah. Telefishinka dowladda Iran ayaa isna sheegay in markab shidaal siday uu degayay kadib markii lagu dhuftay xilli uu si “sharci darro ah” isugu dayayay inuu ka gudbo marinka.

Ciidamada Maraykanka ayaa dhankooda sheegay inay quusiyeen markab dagaal oo Iran leedahay oo ku sugnaa Gacanka Cumaan. Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC) ayaa iyaguna sheegay inay weerareen markabka dagaalka ee Maraykanka ee USS Abraham Lincoln, balse Pentagon-ka ayaa beeniyay warkaasi.

Sida ay sheegtay Laanqeyrta Cas ee Iran, ugu yaraan 201 qof ayaa lagu dilay duqeymo cirka ah oo ka dhacay meelo kala duwan oo Iran ah, halka 747 kalena ay ku dhaawacmeen, inkasta oo la rumeysan yahay in tirada dhabta ahi ka badan karto.

Magaalada koonfureed ee Minab, tirada dhimashada ka dhalatay duqeyn Sabtidii lagu qaaday dugsi hoose oo gabdhaha ah ayaa kor ugu kacday 153 qof. Inta badan dadka dhintay waxay ahaayeen gabdho yar yar, kuwaas oo maamulka deegaanka sheegay inay da’doodu u dhexeysay toddobo ilaa 12 jir.

Mid ka mid ah shaqaalaha dugsiga ayaa sheegay in goobtii waxbarashadu ay isu beddeshay “guri baroordiiq”.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in weerarrada lagu hayo Iran la sii xoojin doono, isagoo intaas ku daray in 100,000 askari oo keyd ah loo yeeray.

“Waxaan bixiyay amarro lagu sii wado ololaha,” ayuu ku yiri farriin muuqaal ah.

“Ciidamadeennu hadda waxay si xooggan u garaacayaan wadnaha Tehran, waxaana tani sii kordhi doontaa maalmaha soo socda.”

- Advertisement -

Read more

Local News