Sawirro: Khasaare nafeed oo ka dhashay qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday laba kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax gaari oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Howlwadaag.

Gaariga qarxay oo ahaa nooca raaxada ee loo yaqaano Hariyar waxaa ku geeriyooday qofkii waday, waxuuna ku qarxay meel u dhaw Isgoyska Baar-Ubax ee degmada Howlwadaag, sida uu xaqiijiyey taliyaha booliska degmadaas.

Wakaaladda wararka dowladda ee SONNA oo soo xiganeysa Taliyaha booliska degmada Howlwadaag Najiib Cabdi ayaa baahisay in gaariga uu xoog ku soo dhaafay bar-control oo Isgoyska Carwo-Idko ay ciidanku ku leeyihiin, isla markaana uu qarxay iyadoo la ceyrsanayo.

Taliyaha ayaa sheegay in qofkii waday gaari oo kaliya uu ku geeriyooday qaraxa, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo goobta ka agdhawaa.

Sida ay sheegayaan xogaha aan heleyno gaarigaan oo ay ku rarnaayeen waxyaabaha qarxa ayaa doonayey inuu gudaha u soo galo magaalada Muqdisho, inkastoo aan weli la ogaan halka uu ahaa bartilmaameedkiisa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii