Wasiirka Amniga oo Yaasiin Farey ku amray in NISA isaga baxdo garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa soo saaray waqad uu Agaasimaha NISA Yaasiin Farey ku amrayo inuu dhamaan ciidanka NISA ka soo saaro gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Yaasiin Farey ayaa warqadaan lagu faray in mas’uuliyadda amniga garoonka qeybtii ay ka hayeen ciidanka NISA uu ku wareejiyo taliska booliska Soomaaliya ee ka howlgala gudaha garoonka.

Wasiirka amniga ayaa qoraalkiisa ku shaaciyey in go’aankaan la qaatay kadib markii ay ka dhaceen gudaha garoonka isku halayn amni oo kaliftay dayacaad amni oo balaaran, maadaama mas’uuliyadda amniga garoonka ay qaybsan tahay oo aysan ku jirin hal gacan.

“Kadib markii ay bateen cabashooyinka ay kasoo gudbiyeen hay’adaha dowladda ee ka howlgala gudaha garoonka, ciidamada NISA oo ku kaca xad-gudubyo isugu jira gacan qaad iyo handadaado joogta ah, lehna cadaymo buuxa. Waxaa la go’aamiyay, lana farayaa in guud ahaan Amniga garoonka uu la wareego Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxaana lagula xisaab-tamayaa Saldhiga Garoonka ee Booliska oo kaliya mas’uuliyadda amni garoonka, wixii ka danbeeya 2-da bishaan Janaayo 2022,” ayaa lagu yiri qoraalka wasiirka.

Wasiir Cabdullahi ayaa qoraalkaan ku sheegay in la go’aamiyey in dib loo soo celiyo dhammaan taliska iyo ciidanka NISA ee ka howlgala gudaha garoonka, laga bilaabo 02-Janaayo 2022 oo ku beegan Axadda berri ah.

“Hadaba waxaa la farayaa ku simaha agaasimaha hey’adda NISA in uu ku wareejiyo dhamaan mas’uuliyada amni ee ciidanka NISA ay horay gacanta ugu hayeen uu si buuxda ugu wareejiyo ciidanka booliska, dibna ula soo laabto dhamaan taliska iyo ciidanka ka howl gala gudaha garoonka, mana jiraan wax ciidan NISA ah oo ka howlgelaya ama hub la geli kara gudaha garoonka, markii laga reebo ciidamada ku sugan xarumaha rasmiga ah ee gudaha garoonka ay ku leeyihiin Waran iyo Gaashaan,” ayaa lagu yiri qoraalka wasiirka.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa ka howlgeli jiray Ciidan Nabad sugid dhar cad ah, waxaana ciidankan markii hore si toos u xukumi jiray kaaliyihii Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Kulane, waxaana inta badan loo adeegsan jiray arrimo siyaasadeed iyo dadka laga xanibayo inay ka dhoofaan garoonka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii