Xog: Guddigii loo diray eeda Ra’iisul Wasaare Rooble oo jawaab kale soo gudbiyey

Muqdisho (Caasimada Onlie) – Dhawaan waxaa jawaabtooda dib loogu celyey guddi 5 xubnood ah oo saraakiil ciidan ahaa kuwaas oo baarayey sarkaal eedeeyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Taliyaha ciidamada Badda Cabdixamiid ayaa wuxuu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku eedeeyey inuu dhisanayo dhul uu leeyahay ciidanka Xogga Dalka, gaar ahaan qeybtiisa ciidanka Badda.

Arrintaan oo culeys iyo xiisad culus dhalisay waxaa Villa Somalia lagu eedeeyey inay rabtay inay dhaafsato dano doorasho oo Rooble meelaha qaar uga fuqo isna laga dabciyo xaaladda.

Guddi ayuu taliyaha ciidamada salka u saaray eedaan, guddigaan waxay jawaabtooda soo celiyeen bilowgii todobaadkii hore balse waa laga diiday jawaabtaas.

Khamiistii ayey mar kale jawaabtii labaad u gudbiyeen taliyaha ciidamada xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raage sida uu noo xaqiijiyey xubin kamid ah guddigaan.

Jawaabtii koowaad ee guddigaan waxay aheyd Taliyaha ciidamada Badda wuxuu ku dhacay dambi Ciidan oo uu ku weyn karo xilkiisa, waana in tallaabo laga qaadaa.

Dhulka waxaa leh ciidank xogga Dalka, gaar ahaan ciidankii Badda, cid walba oo dhisaneyso dhulkaas waxaa laga rabaa inay la timaado sharciyad. Intaas ayey ku qoreen jawaabtoodii koowaad.

Jawaabtii Koowaad sidaan horey idinkugu sheegnay kuma uusan qancin Odawaa Yuusuf Aadan iyo kooxdii gadaal ka hageysay shaqadaan, waxaana guddiga lagu soo celiyey warqad waxaana lagu yiri soo caddeeya cidda dhisaneyso Dhulka.

Jawaabta Labaad oo ay Khamiistii gudbiyeen guddiga waa intii hore oo lagu daray ma naqaano cidda dhisaneyso Dhulka ee fadlan haloo diro hay’adaha ku shaqada leh arrimaha Dhulalka.

Jawaabtaas waxay guddiga gadaal ka raaciyeen howshii guddigaan intaas ayey ku egtahay, iyagoo malaha ka cararaya in mar kale lagu soo celiyo warqadda iyo shaqada kiiskaan.

Sida aan horey u baahinay saraakiishaan waxay u badnaayeen xubno sumcad weyn ku dhex leh dhinaca ciidanka xoogga Dalka, waxayna si weyn u fahamsanaayeen in loo dhiibay mudac siyaasadeed oo ay garanayeen cidda la rabo in lagu mudo, taasoo keeni kartay inay sabab u noqdaan xiisad cusub oo ka dilaacda Dalka.