Roobe oo guddi u magacaabay afgambigii fashilmay 27-ka December + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa magacaabay guddi ka kooban shan wasiir oo loo xil-saaray baaritaanka afgambigii uu isku dayey Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa go’aanka uu ku magacaabay guddigaan waxa uu u cuskaday go’aan ay todobaadkii tegay wadajir u gaareen golaha wasiirrada.

“Iyada oo la fulinayo Go’aankii Golaha Wasiirrada, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27 December la isku dayay in la afgambiyo Xafiisyada Ra’iisulwasaaraha iyo Xukuumadda,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska Rooble.

Xubnaha wasiirrada ah ee guddiga uu caawa magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kala ah: 

1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.
2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.
3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji – Wasiirka Waxbarashada.
4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.
5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah,” ayaa lagu yiri qoraalkaan caawa ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii