Sawirro: KHAYRE oo si weyn loogu soo dhaweeyay Guriceel

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray Guriceel ayaa si ballaaran loogu soo dhaweeyay degmadaasi.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha oo ay ka mid yihiin Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay boqolaal shacab ah iyo xubno ka tirsan maamulka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Ra’iisul wasaaraha ayaa markii uu tagay halkaasi goob fagaare ah kula hadlay dadkii soo dhaweeyay, isaga oo u mahadceliyay.

Sidoo kale waxa uu uga warbixiyay ujeedka socdaalkiisa iyo guulaha laga gaaray kulamadii uu ka waday degmooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee gobolkaasi.

Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay dadweynaha uu la hadlayay inay ka qeyb qaataan dadaallada dib u heshiisiineed ee Galmudug.

Dhanka kale waxa uu ka hadlay dagaal Beeleedyada ka soo cusboonay degmada Mataabaan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Waxa uu ka dalbaday dhinacyada dagaalamaya inay si deg deg ah ku joojiyaan colaada, islamarkaana wax weliba ay ku dhammeeyaan wada-hadal.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa horay safar dhulka ugu bixiyay d Dhuusamareeb, Cadaado, Caabudwaaq, Xeraale iyo deegaano kale oo hoostaga maamulka Galmudug.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com