Sawirro: Kheye oo gaaray xarunta isku xirka Gurmadka Abaaraha QM

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta kormeer howlleed ku tagey xarunta isku xirka Gurmadka Abaaraha u qaabilsan QM.

Ra’isul wasaaraha ayaa markii uu gaaray xarunta warbixino ka dhageystay qaar ka mid ah Hay’addaha gacanta ku haya xog uruurinta xaaladihii ugu danbeeyey ee Abaaraha ka jira Gobolada dalka.

Dhageysiga kadib waxa uu Ra’isul wasaaraha maamulka xarunta Hay’addaha Qaramada Midoobey kala hadlay in la mideeyo isla markaana la isku dheeli tiro habka gargaarka loo gaarsiinayo deegaanada ay saameeyen abaaruhu, lana wadaago macluumaadka ku saabsan meelaha ugu daran ee u baahan gargaarka degdegga ah, gaar ahaan dawladda iyo QM.

Ra’isul wasaaraha waxa uu guddiga xusuusiyay in deegaanada ay ka jiraan abaaraha ay kala daran yihiin balse waxa uu soo jeediyay in si siman loo gaarsiiyo dadkaasi gurmadka.

Intaa kadib waxa uu Ra’isul wasaaraha kulan gaara la qaatay Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia Michael Keating, waxayna isla soo qaadeen sidii QM ay gurmadku degdeg ugu gaari lahaa goobaha ay sida daran u saameysay Abaartu.