Sawirro: Kheyre & Wasiiro dhowr ah oo Muqdisho uga qeybgalay Shir muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka furmay shir ay ka qaybgelayaan mas’uuliyiinta dowladda Somalia iyo kuwa Beesha Caalamka ee xarumaha ku leh Somalia.

Shirka oo ahmiyad gaara leh ayaa waxaa diirada lagu saaray waxyeellada ka dhalatay abaartii ku dhufatay Somalia iyo ka hortagga kuwo kale oo imaan kara.

Shirka ayaa waxaa ka qayb galay Ra’isul wasaarah XFS,  Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiir ku xigeenka Abaaraha, iyo Wasiir Dawlaha Arimaha Dibadda, qaar kamid ah Hayadaha Qaramada midoobay, madax ka socotay maamul goboleedyada iyo Safiirada dalalka taageera Somalia.

Ra’iisul wasaarah XFS ayaa ka mahad celiyey wufuuda ka soo qayb gashay shirka oo ka kala yimid meelo fogfog waxuuna ka sheekeeyay sida ay Xukuumada Somalia uga jawaab bixisay abaartii ka dhacday Somalia.

Kheyre waxa uu sheegay in mudadii yarayd ee ay jirtay Xukuumadiisa dadaal dheer u galeen sidii ummadda Soomaaliyeed looga badbaadin lahaa abaaraha.

Khayre ayaa qeexay doorka qurba joogta Soomaaliyeed ay ku lahaayeen wax ka Qabashada abaarihii ku dhuftay dalka, waxuuna tilmamay in ay iska soo aruuriyeen lacag gaaraysa Shan Milyan oo Dollar.

Waxa uu yiri “Somalia waxaa u bilaamay baal cusub oo horumarineed, waxayna diyaarisay qorshayaashii ay ku sugan lahayd Amnigeeda kuna horumarin lahayd dalka oo dhan. Sidoo kal waxay diyaarisay qaabki looga hortigi lahaa khatarta abaaraha, anagoo kaa shanayna hay’adaha caawiya Somalia’’.

Waxa uu intaa raaciyay ‘’Suurtagal noqon mayso in dalkeena uu leeyahay khayraad farabadan shacabkeenuna ay macluul iyo gaajo u dhintaan. Balse waa in aan horumarinaa wax soo saarka dalka si ay u yaraato gaajada iyo macaluusha shacabka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, shirkan sidoo kale waxaa lagu soo bandhigayaa sahan ay sameeyeen hay’adaha iyo dowladda Soomaaliya, kaas oo laga sameeyay 18 qeybood oo ka mid ah Soomaaliya.

Waxyaabah la soo ogaaday waxaa ka mid ah in abaarta saameyn taan ku yeelatay dad iyo duunyo sidoo kalena burburisay hanti badan.