Sawirro: Kitaab qur’aan ah oo la qoray kun sano ka hor oo laga helay dalka Turkey

Ankara (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay soo heleen Kitaab Qur’aanka Kariimka ah oo far-guri lagu qoray, kaasi oo lagu qabtay Koox tahriibisa waxyaabaha qadiimiga ee qiimaha leh.

Kitaabkaasi oo laga farsameeyey Maqaarka Xayawaanka Gooddirka ayaa lagu soo qabtay Degmadda Yatağan ee Gobalka Muğla ee Koonfurta dalkaasi, sida ay sheegeen Ilo dhanka Ammaanka.

Labo eedeysane oo qorsheynayey inay iibiyaan Kitaabka Qadiimiga ayaa lagu xiray hawlgal ay ciiddanka ammaanka qaadeen.

Dhinaca kale, hawlgalkaasi waxay Ciiddanka ku soo qabteen qori aan sharciyeysnayn iyo matoorada gaadiidka.