SAWIRRO: Kullanka Shariif iyo Jawaari oo dhaliyey tuhunka qorshe cusub

Kampala (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka oo socdaal ku jooga dalka Uganda ayaa shalay booqday hoyga uu ka degenyahay magaalada Kampala Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Jawaari oo ka hadlay markii uu Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed kusoo dhaweeyey gurigiisa ayaa yiri “runtii waxaa sharaf iyo farxad inoo ah inaan  gurigiisa kusoo booqanay Madaxweyne Sheekh Shariif Madaxweynihii hore ee Dalka oo Soomaaliya soo gaarsiiyey meesha aan ka qabanay, inaan soo booqano aniga iyo Xildhibaannadaba farxad ayey noo tahay, waxaanse Alle ka rajeynaynaa in anagana uusan howsha nagu ceebeyn oo halka aynu hiigsaneyno gaarsiino”.

Shariif Sheekh Axmed oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay booqashada ay ugu yimaadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaannada waxaana uu xusay inuu horey u arki jirey mas’uul marka uu xilka ka dago la eedeeyo ama la af lagaadeeyo laakiinse ay tahay dhaqan cusub in madax xil heysaa ay soo booqdaan mas’uul xukunka uga horeeyey taasina uu aad u bogaadinayo.

Si kastaba kaddib booqashada guud, ayaa la sheegay in kullan gaar ah oo qaatay in ka badan 3 saac ay yeesheen Shariif iyo Jawaari, oo qol gaar ah galay.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa Caasimada Online u sheegay inay la yaabeen kullanka gaarka ah, aysanna ogeyn waxa looga hadlay marka laga reebo in loo sheegay inay si gaar ah uga hadlayaan xaaladda dalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka hadleen khilaafyadii hareeyey madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Cabdi Weli, inkasta oo labada dhinac ay iminka isku soo dhowaadeen.

Waxaa xildhibaanada qaar ay is-weydiiyeen waxa Shariif ka galay khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli.

Warar saaka Muqdisho la isla dhex marayo ayaa sheegaya in in Shariif dib loogu soo celinayo madaxnimada dalka, haddii mooshinka ka dhanka ah Xasan Sheekh oo ay xildhibaanada diyaarinayaan uu guuleysto, inkasta wararkan ay yihin kuwo aaan la xaqiijin.

Sawirrada booqashada

js1js2js3js4js5js6js7js8