SAWIRRO: Kullankii wasiirada Somalia iyo KENYA oo hal arrin la isku raacay

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladaha Somaliya iyo Kenya, ayaa waxay maanta si buuxdo isugu waafaqeen in la celiyo Soomaalida Magaalada Nairobi, ee bilaa Sharciga ku joogta Xarunta Wadanka Kenya.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya C/laahi Goodax Barre, ayaa dhigiisa dalka Kenya Joseph Ole Lenku, isku afgartay in la celiyo Somalida bilaa Sharciga ku joogta Kenya.

na 1Inta badan Somalida laga qab qabtay Xaafadda Islii, ayaa waxaa lagu hayaa Garoonka kubadda cagta ee Kasarani, halkaasoo la sheegay in lagu kala saaraayo, Soomaalida Sharciga leh iyo kuwa kale, ee aan lahayn.

Sidoo kale waxay isku waafaqeen in dib xoriyadooda loo siiyo Soomaalida Sharciga ku leh dalka Kenya, haddii ay noqon laheyd kuwo Sharci ka heysta Kenya iyo haddii ay Sharci ka heysan lahaayeen Qaramada Midoobe.

na 2Wasiir Goodax waxaa kulankaan ku wehlinaayay Danjiraha Somaliya ee Kenya Amb. Maxamed Cali Nuur (Americo) iyo Madaxa Qunsulka Safaarada Somaliya ee Kenya Siyaad Maxamed Shire.

Kulankaan, ayaa daba socdo kulan Sabtidii Aqalka State House ee Magaalada Nairobi ku dhex maray Madaxweyne-yaasha Somaliya iyo Kenya, oo ka wada hadlay, raafka ba’an ee lagu haayo Somalida Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com