Sawirro: FBI-da Maraykanka oo abaal-marin siisay Wiil Soomaali ah, Sabab?

Munaasabad ka dhacday xarunta weyn ee FBI-da ee magaalada Washington, ayaa waxaa Axmed Iidle la guddoonsiiyay abaal-marin heer caalami ah oo sanadkiiba la siiyo qof muujiyay dadaal badan oo la xiriira dhinaca arimaha bulshada.

Agaasimaha FBI-da James B.Comey ayaa afartii bishan aynu ku jirno guddoonsiiyay Axmed abaal-marintan ,isaga oo noqday shakhsiga sanadkii tagay ee 2013-ka qaiimaynta xafiiska FBI-da ee magaalada San Diego.

“Hay’adaha sirdoonka ee dalka oo dhan waxa ay ka shaqaynayaan danaha bulshooyinka halkan ku nool si ay ku jirto waxqabad ,balse kaligeen ma samayn karno “ayuu yiri Darrell Foxworth oo ka mid ah danbi baarayaasha FBI-da.

Sandeigo_Somali_ManAxmed Iidle oo kamid ah hogaamiyayaasha bulshada Maraykanka gaar ahaan San Diego ayaa si weyn uga qayb-qaatay wada shaqaynta bulshada Soomaaliyeed iyo laamaha amniga gobolkas,isagoo sidoo kale ah asaasaha ururka San Diego Youth Athletics oo loo soo gaabiyo (SDYA) oo dhalinyarada ka taageera dhinaca is -dhex-galka ,Sports-ka iyo waliba waxbarashada.

“Waxa ay muujiyeen in ay u qalmeen abaal-marintan ,waana ay soo bandhigeen shaqo adag oo dhinaca hogaaminta wanaagsan la xiriirta ,runtii waa wadaniyiin dhab ah “ayuu isna yiri James B. Comey oo ammaan ballaaran u soo jeediyay bulshada Soomaaliyeed ee halkaa ku nool.

Ugu danbayntii abaal-marintan la guddoonsiiyay Axmed Iidle oo lagu magacaabo DCLA ayaa la bilaabay bixinteeda sanadkii 1990-kii ,waxaana sanad walb laga bixiyaa mid kamid ah 56-da xafiis ee FBI-da Maraykanka ,iyada oo la siiyo qof wax badan ka qabtay arimaha bulshada sida Axmed.

Faysal Mohamed Hassan
Boston@hiiraan.com
Hiiran Online