QM oo si kulul uga hadashay shaqalihi caddaanka ahaa ee looga dilay P/land

Nairobi (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay xafiiska wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa lugu cambaareeyay fal dil ah oo maanta garoonka diyaaraddaha Gaalkacyo loogu geystay shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay.

Qoraalka Nicholas Kay, waxaa lugu farray madaxda dawladda Puntland in ay baaritaano buuxa ku sameeyaan arrintaan isla markaana cadaaladda horkeenaan cidda ka dambeysay, Isagoo intaas ku daray in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay sii waddo taageerada shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa dilka saraakiishan UN-ka ka tirsan, kuwaas oo u joogay Gaalkacyo inay caawiyaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Nicholas Kay.

Sidoo kale waxuu sheegay wakiilka Soomaaliya u qaabilsan in wax laga xumaado ay tahay dilka loo gestay shaqaalaha ka tirsan Qaramada Midoobay.

Dilkaan waxaa uu yimid ka gadaal markii askari ka tirsan ilaalada garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo uu rasaas ku foray labo sargaal oo ka tirsan Qaramada Midoobay,waxaana la sheegay inay ukala dhasheen dalalka Faransiiska iyo Britain.

Labada sargaal oo an wali magacooda la shaacin,waxaa ay ka ka tirsanaayen hay’adda UNODC,waxaana dilkooda uu dhacay xilli ay kasoo degeen garoonka diyaaraddaha Gaalkacyo.

Dowladda Puntland,wali dhinaceeda kama soo bixin wax war ah,balse waxaa muddo saacada ah uu shir ka socda garoonka diyaaradaha Gaalkacyo,waxaana shirka ka qeyb-galaya madaxweynaha Puntland oo isaguu xilligii ay dhacdada dhacay soo gaaray Gaalkacyo.

Askariga dilka gestay ee ka mid ka ahaa ilaalada garoonak diyaaradaha Gaalkacyo,waxaa la sheegay inuu madaxa ka jira oo ay xilligaan usocdeen dawo dhinaca neer-faha ah.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com