PUNTLAND oo xog dheer ah ka bixisay ajaaniibtii maanta lagu dilay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Agaasimaha la dagaalanka burcad badeeda ee Maamulka Puntland C/risaaq Maxamed Dirir, ayaa wuxuu goor dhow uu xaqiijiyay in labada nin ee la dilay ay ka tirsanaayeen Hay’adda UNODC.

Agaasimaha, ayaa intaa ku daray in uu toogasho ku dilay askari ka tirsan Ciidamada ammaanka ee Puntland, iyadoo askariga la dilay uu ku sheegay mid maalmahaan ay xaaladiisu ahayd, mid aanu wanaagsanayn.

C/risaaq Maxamed Dirir oo la hadlay Idaacada Radio Garoowe, ayaa sheegay in labada nin ee la dilay ay u kala dhasheen dalalka Britain iyo France, laguna kala magacaabi jiray Clement Garrison oo France u dhashay iyo Simon, oo u dhashay dalka Britain.

Sidoo kale wuxuu sheegay in raggaan ay kulamo la lahaayeen Maamulka Puntland, waxayna ka wada hadli lahaayeen buu yiri arrimo ku aadan Xawaaladaha ka hawlgala Deegaanada Puntland iyo sidii Nidaam rasmi ah loogu samayn lahaa.

Agaasimaha waxa uu intaa raaciyay in gacanta lagu soo dhigay askariga dilka geystay, kaasoo uu qiray in markii dambe ay suurta gashay in gacanta lagu soo dhigo, xilli uu ka baxsaday Garoonka.

Warbaahinta gudaha iyo midda Caalamka, ayaa si weyn u tabinaaya dilka ka dhacay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Galkacyo, oo ay Puntland ku sheegtay mid aan ku talla gal ahayn.

Weerarka lagu dilay labada nin ee Cadaanka ah, ayaa waxay ku soo aadeysaa, xilli Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Puntland uu maanta booqasho ku yimid Magaalada Galkacyo.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com