Askari Puntland ah oo dilay laba nin oo caddaan ahaa oo u shaqeynayey QM

Gaalkacyo(Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay labo ruux oo ajaaniib ah, kuwaasi oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo.

Wararka aan helayno ayaa sheegay in dilka labada ruux ee Ajaaniibta uu ka dambeeyay askari ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sidoo kale waxaan helnay xog ku aadan in labada ruux ee la dilay ay u kala dhasheen dalalka France iyo UK ayna la shaqeynayeen hayada UNODC oo ka shaqeysa arimaha burcad badeeda.

Xogta kale ee aan halayno ayaa sheegaysa inay doonayeen in madaxweynaha Puntland ay kula kulmaan magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Welli Maxamed Cali Gaas ayaa gaaray goobtii dilka uu ka dhacay.

Taliye sare oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa sheegay in mid kamid ah ajaaniibta la dilay uu ku dhintay iska afaafka hore ee diyaarada, halka ruuxa kale uu ku geeriyooday markii loola cararay goob caafimaad.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com