Kismaayo: 7 gabdhood oo guryahooda laga baxay iyo xog sheegeysa in la…

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in shalay ilaa xalay guryahooda lagala baxay haween, ka tirsan bulshada reer Kismaayo.

Nabadoon Macalin Gaas oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolada Jubbooyinka, ayaa sheegay in 7 dumar ah lagu weysan yahay Magaalada Kismaayo, markii uu sheegay in shalay iyo xalay ay guryahooda ka wateen Ciidamada Jubba.

Waxa uu nabaddoon Gaas sheegay in haweenkan ay kaxeysteen maleeshiyo Ethiopia iyo Kenya laga keenay, oo magaalada haystay labadii sano ee ugu dambeysay.

Waxa kale uu shaaca ka qaaday in haweenkan qaarkood la kufsado, kadibna la dilo.

Nabaddoon Gaas, ayaa ku warramay in hadda dilka uu caadi ka yahay magaalada, oo taasi aysan ka hadal lahayn, oo ay ugu dambeysay dad lasoo dhigay xeebta Kismaayo.

Maamulka KMG ah ee Jubba, ayaan wax war ah ka soo saarin dumarka lagu eedeeyay, in ciidamadoodu ay ka wateen guryahooda.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com