BFS oo ku dhowaaqay arrin farxad leh, isaga oo damacsan qorshe 3 dal uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Nuuraani Abakar oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah gudiga arimaha dibada ee baarlamaanka ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay wafdi xildhibaano ay ugu dirayaan seddex dal oo qaxootiga Soomaaliyeed ay ku dhibateysan yihiin.

Xildhibaanka ayaa Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho u sheegay in ujeedada ay tahay sidii dowladahaasi ay kala hadli lahaayeen sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka qaxootiga Soomaaliyeed ku heysta dalkaasi.

Dalalka Yemen, Sacuudiga iyo Kenya ayuu ku tilmaamay inay yihiin dalalka ugu daran oo ay iminka dhibaatada kala kulmaan qaxootiga Soomaaliyeed.

Dhanka kale wuxuu muhiimad gaar ahaaneed ku tilmaamay in soo dhaweyn wacan loosameeyo dadka doonaya inay dalkooda dib ugu soo laabtaan marka ay soo gaaraan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Gudiga arimaha baarlamaanka ayaa qaarkood todobaadyadii lasoo dhaafay waxay ku maqnaayeen safaro dhanka dibada ah oo ay ku ogaanayeen xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee dalalka caalamka gaar ahaan Yemen, Sacuudiga iyo Kenya, sida Xildhibaan Maxamed Nuuraani uu sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com