Booliiska Kenya oo sheegay in Islii ay ka heleen Kiimiko loo qorsheeyey in…

Nairobi (Caasimada Online) – Hadal ka soo baxay Boliska magaalladda Nairobi ayaa lagu sheegay inay Xaafadda Islii, gaar ahaan Jidka 7-aad ka heleen shalay xirmo Kiimiko ah oo ay tilmaameen in laga farsamayn karo waxyaabaha qarxa.

Taliyaha Boliska magaalladda Nairobi, Benson Kibue ayaa sheegay inay Kiimikadaasi ka heleen qol uu degganaa Nin Somali ah, kaasi oo baxsaday ka hor intaysan Boliska tegin gurigaasi.

“Kiimikadaasi waa mid geysan karta qarax xooggan, waxaana ka codsanay dadka inay gacan naga siiyaan sidii loo sugi lahaa ammaanka” ayuu yiri Taliyahaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay heleen Dukumentiyo uu lahaa ninkii deganaa gurigaasi, waxayna Dukumentiyadaasi muujinayaan inuu ninkaasi yahay Somali ka diiwaan gashan Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab.

Dhinaca kale, Taliyaha ayaa sheegay inay Boliska bilaabeen sidii ay u baadi-goobi lahaayeen Eedeysanaha baxsadka ah.
Boliska Kenya waxay Hawlgalka ay haatan wadaan ugu magac dareen Usalama Warch, taasi oo ay sheegeen inay ku ugaarsanayaan waxay ugu yeereen Dembiilayaasha ku sugan magaalladda Nairobi.

Boliska Kenya ayaa u muuqda inuu hawlgalkooda ku kooban yahay dadka Soomaalida, waxayna Hawlgalkaasi ku soo qabteen kun qof oo Soomaali ah, iyadoo 355 qof la sii daayey.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com