Gen. Gaafow oo lagu dheggan yahay

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya,si wax looga Weydiiyo Armo Dhowr ah.

C/laahi Gaafoow Maxamuud Hogaanka Waxaada Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa wax laga Weydiin toonaa,Qaabka ay dadka u Qaataan Kaarka Dhalashada iyo Dhibaato la sheegay in Dadka ay kala kulmaan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Gudoonka Sare ee Baarlamaanka ka Dalbaday in Hogaanka Waxaada Socdaalka la hor keeno Baarlamaanka si wax looga Weydiiyo Arimaha aan soo sheegnay.

Xariir Keydmedia online ay la Sameysay C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa waxaa ay ogaatay in maanta Baarlamaanka uu hor tagayo.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalmahaan waday la Xisaabtan ay ku sameenayaan Wasiiro ka tirsan Xukumadda,ayagoona ilaa Dhowr wasiir ugu yeeray in ay Baarlanaaka yimaadaan.

Isha: KON