Sawirro & Warbixin: Barre Hiiraale oo soo bandhigay xog dad badan aysan ogeyn oo xaalka Kismaayo ku saabsan

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen golaha Nabada iyo Midnimada gobolada Jubbooyinka ee uu hoggaamiyo Barre Hiiraale ayaa looga hadlay dhibaatooyinka iskugu jira dilka, dhaca, iyo Kufsiga ee lagu hayo shacabka dagan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa kasoo qayb galay kulankii maanta qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda deeganada Jubbooyinka waxaana looga hadlayay sidii caalamka loo tusi lahaa dhibaatooyinka ay Ciidamadda Maamulka Jubba ka wadaan Kismaayo.

Col, Cabaas oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa sheegay ujeedka kulanka inuu yahay sidii caalamka iyo dawladda Soomaaliya cadaadis loogu saari lahaa wax ka qabashada dhibaatada ka jirta degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Nabadoon Cali Diiriye oo kamid ah wax-garadka kasoo jeeda deeganada Jubbooyinka oo kulankaasi dhankiisa ka hadlay ayaa halkaasi ka akhriyey qaar kamid ah magacyada dadkii uga dhintay beeshooda dilalka Kismaayo ka dhacayay dhawrkii sanno ee u danbeeyay.

Dr Axmed Faarax Ducaale oo ah aqoonyahan kasoo jeeda Jubbooyinka oo isna dhankiisa ka hadlay ayaa ku eedeeyay dawladda Soomaaliya inay ka gaab-satey dhibaatada Shacabkeeda loo geysanayo isagoo xusay in jab-had dadka xasuuqaysa loo xalaaleeyay masiirkii Shacabka Jubbooyinka.

Ugu danbayn waxaa halkaasi ka hadlay Dr Cabdi Shire Warsame wuxuuna akhriyey warsaxaafadeedkii kasoo baxay kulankaasi.

“Muddada ay magaalada Kismaayo ay gacanta ugu jirtay kooxda Raaskambooni, laga soo bilaabo 26/5/2013kii ilaa waqtigan ka dhacay gaboodfallo si toos ah loogu xadgudbay xuquuqda muwaadiniinta oo isugu jira dil, dhaawac, kufsi, boob hantiyeed, barakacin, xabsi iyo ka ganacsiga dadka.”

Hoos ka daalaco Warsaxaafadeedka kullanka oo lagu qoray xog badan oo ku saabsan xaalka Kismaayo oo ku saxiixnaa Barre Hiiraale

Ref:                                                                                                   Date: 06 / 04 / 2014

Ku: Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Jam. fed. Soomaaliya

       Mudane Cabdiwali Shiikh axmed

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ku: Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramadoobay

Ku: Wakiilka Midowga Afrika

Ku: Wakiilka Urur-goboleedka IGAD

Ku: Dhammaan Waddammada Daneeya Arrimaha Soomaaliya

Og. Madaxweynaha Dowladda Jam. Fed. Soomaaliya

Og. Guddoomiyaha Golaha Shacbiga Qaranka 

Ujeeddo: Baaq

Sida la wada og yahay, Heshiiska Addis Ababa ee Dowladda Jam. Federaalka Soomaaliya iyo Axmed Maxamed Islaan oo matalaya kooxda Raaskambooni ku dhexmaray 27/8/2013kii  magaalada Addis Ababa, waxaa ujeeddadiisu ahayd in lagu xasiliyo Gobollada Jubba, dadweynaha degaanadaasina ay nabad ku wada noolaadaan.

Waxaa Heshiiska ku cad geedi-socod nabadeed oo la filayey in si wadajir ah loo dhaqangeliyo.

Waxaan ka xunahay in aan halkan ka sheegno in waqtigan magaalada Kismaayo ay tahay meesha ugu ammaan xun dalka Soomaaliya. Waxaa halkaas si joogto ah uga dhaca gabood-fal dhinaca xuquuqda aadanaha ah. Waxaa muddada ay kooxda Raaskambooni magaaladu gacanta ugu jirtay, laga soo bilaabo 26/5/2013kii ilaa waqtigan ka dhacay gaboodfal isugu jira:

v  Dil 146 qof

v  Dhaawac 47 qof

v  Kufsi 49 haween ah

v  Boob hantiyeed oo gaaraya U$1175000(hal malyan, boqol toddobaatan iyo shan kun)

v  Barakacin; dumin guryo gaaraya 103 guri

v  Xabsi aan sharci ku salaysnayn oo joogto ah

v  Ka ganacsiga dadka (xiridda iyo iibsiga dadka)

Waxaa nasiibdarro iyo wax laga xumaado ah in Dowladda Jam. Fed. Soomaaliya, aysan hal marna ka hadlin waxa ku dhacaya dadweynaha ku nool  magaalada Kismaayo.

Golaha Nabadda iyo Midnimada Gobollada Jubba, isaga oo si weyn uga xun, waxa uu halkan ka caddeynayaa:

1)      In Axmed Maxamed Islaan uu si cad ugu xadgudbay, ugana baxay Heshiiska Addis Ababa (eeg qodobbada 9aad, 14aad, iyo 21aad);

2)      In Heshiiska Addis Ababa uu gebi ahaan burburay;

 3)      In Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ah awoodda keliya ee sharci ahaan mas’uulka ka ah dalka iyo dadk Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Dimoqraadiga ah ee Itoobiya oo ah damaanad-qaadaha Heshiiska, ay si buuxda ugu guuldarreysteen dhaqangelinta Heshiiska Addis Ababa;

4)      In Beesha Caalamka, gaar ahaan Ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo aysan waxba ka qaban, balse ay ku fiirsadaan gaboodfallada bulshadaas  ku dhacaya;

Sidaas darteed, waxaan ku baaqaynaa:

¯  Si loo joojiyo gaboodfalka ka socda magaalada Kismaayo; loona baaro caddaaladana loo horkeeno cidda mas’uulka ka ahayd kuwa dhacay ee kor ku xusan; in Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamku ay si dhakhso leh halkaas ugu diraan Guddi wadajir ah oo ay ka mid yihiin ururrada xuquuqda aadanaha oo soo baara gaboodfalka dhacay;

¯  In aan Beesha Caalamku aqbalin in dhaqaalahooda loo adeegsado ku xadgudubka xuquuqda aadanaha, aysanna wax dhaqaale ah siinin Axmed Maxamed iyo Kooxdiisa ilaa iyo inta laga baarayo caddaaladana la horkeenayo cidda mas’uulka ka ahayd gaboodfalka ku xusan faqradda kore;

¯  In Shacbiga Soomaaliyeed uu Dowladda si kula xisaabtamo mas’uuliyaddii ay u igmadeen, wixii wanaag aha ay ku taageeraa, wixii xumaan ah ay ku dhaliilaan;

¯  In dadweynaha ku nool Gobollada Jubba ay adkeeyaan midnimada iyo walaaltinimadooda; ayna aamminaan in mar walba uu xaqu adkaanayo, guushuna ay dhawdahay. 

Wadahadal,   Is-afgarad,   Nabad,   iyo   Horumar

Mahadsanidin

Barre Aden Shire Hiiraale

(Guddoomiye)

Golaha Jubba (22)Golaha Jubba (20)Golaha Jubba (18)Golaha Jubba (16)Golaha Jubba (11)Golaha Jubba (6)Golaha Jubba (1)Golaha Jubba (7)

Golaha Jubba (2)Golaha Jubba (3)Golaha Jubba (4)Golaha Jubba (5)Golaha Jubba (8)Golaha Jubba (9)Golaha Jubba (10)Golaha Jubba (12)Golaha Jubba (13)Golaha Jubba (14)Golaha Jubba (15)Golaha Jubba (17)Golaha Jubba (19)Golaha Jubba (21)Golaha Jubba (23)Golaha Jubba (25)Golaha Jubba (26)Golaha Jubba (27)Golaha Jubba (28)Golaha Jubba (29)Golaha Jubba (30)