Sawirro: Lafta Gareeb oo booqday xerada ciidanka ee Balidoogle + Ujeedka

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta booqasho ku tegay xerada ciidamada ee Balidoogle, taas oo si gaar ah loogu tababaro ciidamada Danab.

Lafta Gareen ayaa marka uu tegay xerada waxa uu kusoo dhoweeyey saraakiisha ciidanka Xoogga iyo kuwa Mareykanka ee ku sugan halkaasi, isaga oo kadib kormeer iyo Indha-indheyn ku sameeyey qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay xerada Balidoogle.

Sidoo kale madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa u kuur galay inta uu ku jiray booqashadiisa, sida ay u socdaan howlaha tababarada ee Kumaandooska Danab.

Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa saraakiisha uu la kulmay waxaa uu kala sheekeestay howlaha tababarka ciidamada ee ka socda halkaasi.

Xerada Balidoogle oo si weyn amnigeeda loo ilaaliyo, kuna taallo Sh/ Hoose ayaa waxaa ku sugan saraakiil Mareykan ah oo tababarayaal, kuwaas oo cashiro siiyo ciidamada Danab.

Booqashada Lafta Gareen ee saldhigga Balidoogle ayaa ku soo aadeysa, markii Mareykanka uu shaaciyey inuu ka fakirayo taageerada ciidamada Danab, ka gadaal markii ay ka qeyb-qaateen dagaalladii ka dhacay Guriceel oo looga dilay taliye sare oo ka tirsanaa ciidankaasi.

Si kastaba, Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn uga qeyb qaato dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna duqeymo ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha dalka.