Khaladaadkii uu ku kacay Qoor Qoor ee keenay inay Ahlu-Suna dib usoo noolaato

Kooxda Ahlu suna ee Gobollada Dhexe ayaan caan ku ahayd 10 sano ka badan inay hadba la falgasho dowladihii isaga danbeeyay ee dalka oo xilal iyo kharash badan ay ka heshay.

Macalin Maxamuud iyo xertiisa waxay kasoo hareen dhaqdhaqaaqa Suufiyada ee ka kacay Guud ahaan Koonfurta Soomaaliya, waxayna noqdeen awoodda ugu weyn ee ka jirta Koonfurta dalka, iyadoo ugu danbeyn qeyb ka noqday Maamulkii Galmudug ee kala qeybsanaanta ragaadisay 2019.

Dowladii ay hoggaaminayeen Farmaajo iyo Xasan Kheyre waxay isku dayday inay Ahlu Sunna waanwaan iyo heshiisyo hoose la gasho, balse si kasta oo arrintooda loo xaliyey, waxay markii dambe xaaladu tagtay in awood lagu maquuniyo oo Dhuusamareeb xoog looga saaro, waxaan sidaasi lagu doortay Madaxweynaha ay Villa Somaliya wadatay ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Maamulkii awoodda lagu dhisay ee loo dhiibay Qoorqoor wuxuu xoogga saaray inuu la heshiiyo siyaasiyiintii ka horjeeday ee Beeeshiisa, wuxuuse iska iloobay halista ugu weyn ee Galmudug oo ahayd Ahlu suna.

Khaladaadka Madaxweyne Qoorqoor ku dhacay ee keenay in Ahlu suna dib u soo noolaato, halisna geliso maamulkiisa waxay kala yihiin:

1- Qooqoor marna iskuma dayin inuu dhiso ciidamo adag oo Galmudug leedahay, wuxuuna mar kasta ku tiirsanaa Ciidamada Federaaka iyo Madaxweyne Farmaajo, taasina waxay keentay in Galmudug ay iska celin weydo duullaanada Alshabaab iyo laba kacleynta Ahlu suna iyadoo aan taageero ka helin Dowladda Federaalka.

2- Madaxweyne Qoorqoor wuxuu waqtigiisa badan ku qaatay magaalada Muqdisho, isagoo xooggiisa ku bixiyey arrimaha khilaafka Doorashooyinak Federaalka iyo taageerada Farmaajo, isagoo aan horumar la taaban karo ka sameyn maamulkii uu madaxda ka ahaa dhinac kasta.

3- Qoorqoor wuxuu ku fashilmay inuu xoojiyo maamulka Galmudug, isla markaana kalsooni ka dhex abuuro beelaha cabashada qaba, iyo kooxaha halista gelin kara, mana jirin qorshe ay Galmudugta Qoorqoor u dejisay in maamul karti leh lagu sameeyo.

4- Madaxweyne Qoorqoor wuxuu gebi ahaan iska iloobay awoodda Ahlu suna iyo taageerada ay ku leedahay Gobollada Dhexe, wuxuuna yareystay inay xilli kasta is abaabuli karaan, sidoo kale ma jirin xal uu ka raadiyey madaxdii Ahlu suna ee la maquuniyey.

5- Sida Qoorqoor u maamulay dagaalkii Guriceel ee qasaaraha badan dhaliyey waxay ahayd farsamo xumo weyn oo ka dhalatay khibrad la’aanta iyo qorshe la’aanta Galmudug, waxaana sal u ahaa Doorashada la filayo inay Galmudug ka dhacdo oo Axmed Qoorqoor u muuqday inuu dhinac u janjeero,

Galmudugta cusub ee kadib dagaalkii Guriceel ma noqon doonto mid la mida Galmudugtii hore, waxaana Qoorqoor uu hadda wajahayaa xaalad cakiran oo aanu Galmudug isku sii heyn karin, haddii uu doonayo inuu ku tiirsanaado milatariga dowladda Federaalka.

Isha: Goobjooge.net