Sawirro: LAFTA-GAREEN oo tuutaha xirtay kadibna tegay…

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta xirtay dharka tuutaha ciidamada, isaga oo kadib tegay difaaca hore ee laga ilaaliyo magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.

Lafta-gareen oo ay wehlinayeen saraakiisha ammaanka ee maamulkiisa ayaa kormeeray baraha kantroolada ee laga ilaaliyo amniga magaalada, si uu usoo qiimeeyo xaaladda guud.

Xubnaha wehlinayay waxaa kamid ah wasiirka amniga, taliyaha qeybta 60-aad ciidanka Xoogga dalka, Taliyaha Ciidanka booliska, qeybta gobolka Baay, taliyaha saldhiga degmada Baydhaba iyo taliyaha ciidanka Daraawishta Koonfur Galbeed.

Sidoo kale wuxuu ciidamada ku sugan furumaha hore kula dardaarmay inay xoojiyaan sugida amniga iyo ka hortaga weerarada ay soo qaadaan xubnaha Al-Shabaab.

Inta uu ku jiray booqashada wuxuu madaxweynuhu tegay difaaca hore ee ciidamada, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Waxaa kale oo uu Kormeeray saldhigga Booliska Baydhaba, halkaas oo uu kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka, isaga oo ka dhagaystay warbixin ku saabsan amniga.

Tallaabada uu qaaday madaxweyne Lafta-gareen ayaa kusoo aaday, ayada oo todobaadkii hore ay Al-Shabaab weerar kusoo qaadeen goobaha uu maanta kormeeray, halkaas oo uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay xubnaha kooxda iyo ciidamada ammaanka ee Baydhaba.

Magaaladan oo xarun KMG u ah Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa go’doomin ku haya maleeshiyada Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Baay iyo Bakool.

Si kastaba, Koonfur Galbee ayaa la filayaa inuu dhowaan ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka, kaas oo haatan qorshihiisa ay waddo dowladda federaalka Soomaaliya.