Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta gaaray deegaanka Daaru-Nicma ee degmada Ruun-Nirgod ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Socdaalkan ayaa waxaa guddoomiye Yuusuf Madaale ku wehlinayay xildhibaano ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya, kan maamulka HirShabeelle, saraakiil iyo mas’uuliyiin kale.
Ujeedka socdaalka masuuliyiintan ayaa ah sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladaha nololeed iyo amni ee deegaanka Daaru-Nicma oo kamid ah deegaanada istiraatiijada ahaa ee laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.
Madaale iyo masuuliyiintan ayaa goob fagaare ah kula hadlay ciidamada xooga dalka iyo kuwa difaaca shacabka ee howl-gallada sifeynta Khawaarijta ka wada deegaanadaasi.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo maalmahaan safar ku maraayey deegaanada Nuur-dugle, Cadcadey, Cadaanlaxey iyo deegaano kale ayaa waxa uu qeyb ka yahay dardar-gelinta howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Guddoomiyaha iyo shacabka deegaanadaas ayaa isku dhaarsaday dagaalka, xilli abaabul xoog leh uu ka socdo dhamaan deegaanada xorta ah ee HirShabeelle.
Duqa Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa furinta ayaa shacabkii uu la hadlay u sheegay in shaqadiisii uu kaga soo tegay sidii uu cidiisa ugu garab istaagi lahaa dagaalka ay isaga xoreynayaan Al-Shabaab.
Dhammaan deegaanada xorta ah ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ee HirShabeelle waxaa ka socda abaabul dagaalkii ugu cuslaa, waxaana lagu reja weyn yahay in toddobaadyada soo socda ay deegaano badan ciidamo ka soo dhaqaaqaan, si looga adkaado Shabaab-ka ku harsan gobollada dhexe.